Hablaha Geeska Afrika - Sayid Khaliifa (Ereyada: Hadraawi)

Channel: Somali Stories

93,055

TIP: Right-click and select "Save link as.." to download video

Initializing link download... Initializing link download.....

Disclaimer: No copyright infringement intended; I do not own this video.

Miraha heesta:

Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloolin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin.

Murti nimaan gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda-degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii kusoo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Guullaama diriroo
Galli jabay habeenkii
Kolba gacan masoo rogay
Qudhaciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo
Gabbalaha makaga tegey;

Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey!

Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illayn geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen!

Gurya samo barwaaqa ah
Dhulka geedo jiifaan
Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa
Gurdan raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo
Cagta garan-garkeediyo
Isu geysa jiibkoo
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobay kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa
Gama´ kaa ilaashee
Haddaan gabadhi boodeyn
Illayn gegi cayaareed
Wax ma dhaanto geriyaad.

Haddaan guudka laga jirin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon ma leh.

Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo go´aagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saareyn
Illayn gogoshu wehel ma leh.

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh.

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gol leeyahay
Go'i waa barbaareey
Haddaad gabar caddaaniyo
Dhulka gaalo keentaan
Midaan kuu garaabayn
Dhibta kaa gargaarayn
Xilka kaala gubanayn
Gacal haddaad ka dhigataan
Guumays shisheeyaa
Haddaad gacanta qabataan
Hablaheenu guur iyo gayaan
Yay ka sugayaan

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gol leeyahay
Go'i waa barbaareey
Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa
Gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa
Gololadda haweenkee


Hiddaheena gaarka ah
Hablihii gabowgiyo
Geerida ku sugi jiray
Hablihii garayskiyo
Xidhan jiray guntiinada
Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama' aanay ledi jirin
Hablihii guhaadiyo
Qarsan jiray gaf mooyee
Hadalkoodu gaabnaa

Hablihii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadday gaajo liitaan
Ammay godolo soomaan
Cidi aanay garan jirine
Hablihii gamaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guurdoon ka bixin jiray

Hablihii Gargaariyo
Guuleed ku curan jiray
Hablihii wax gali jiray
Hablihii wax goyn jiray
Hablihii wax gudi jiray
Goldaloolo iyo ceeb
Hablihii ka guban jiray,

Hablahaan gankoodiyo
Hilibkooda gadi jirin
Haddii aad gujeysaan
Guulguul ku leysaan
Godol qudha ku moodaan
Gabal kooda dumisaan
Hadba tooda goosha ah
Ganacdeeda jabisaan
Dadku gabanaa xooriyo
Garracyaaley yidhaahdaan
Inagoo gumowniyo
Dhaqan guurey weeyee;

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gol leeyahay;

Godob aabbe falaybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotoo
Gabi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geyda ah
Golqaniin ku maalee
Guraac kaga danaystow
Waxaad gaaxsaneysiyo
Gashigaad cuneysiyo
Xumahaad galeysaa
Ruuxay ka go'an tahay
Gabadhaada weeyoo
Gafka aad falaysiyo
Waxaad geysaneysaa
Galab kale ka sheekayn

Afartaa garaariyo
Gaashooyin mariyee
Waxaa iga gunaanada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana isaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteenna mooyee
Geyi kale ma joogaan!